Sign in to follow this  
Deeq A.

Farmaajo iyo madaxdii ka horeysay oo kulan leh Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Waxa goor dhow ka bilowday xarunta madaxtooyada ee magaaladda Muqdisho kulan u dhaxeeya madaxweynaha Soomaaliya Maxamad Cabdillahi Farmaajo iyo qaar kamid ah hogaamiyayaasha ururrada mucaaradka.

Kulanka ayaa waxaa lagu lafo gurayaa xaaladda siyaasaddeed ee dalka gaar ahaan arimaha ku xeerran nooca doorasho ee dalka ka dhici kara sanad kadib iyo khilaafka dawladda dhexe iyo qaar kamid ah maamul goboleedyada.

Shirkan ayaa yimid kadib markii madaxweynuhu casuumaad u diray madaxdii isaga ka horeysay oo hadda ku mideysan madasha xisbiyada isla markaana aad u diidan qaabka hadda dawladdu wax u maaranayso.

Waxyaabaha la filayo inay ka wada hadli doonaan waxaa kamid ah arrimaha doorashooyinka sannadka 2020-ka, sida uu bartiisa Facebook ku sheegay madaxa warfaafinta ee xafiiska madaxweynaha.

“Kulanka maanta ay yeelanayaan Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweyneyaashii hore Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Mudane Xasan Sheekh ajandihiisa ugu muhiimsan waa arrimaha doorashooyinka 2020 iyo sidii ay Xukuumadda ugala shaqeyn lahaayeen in hannaan doorasho oo hufan oo qof iyo cod ah ay dalka ka dhacdo” ayuu yiri Cabdinuur Maxamed Axmed.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this