Sign in to follow this  
Deeq A.

Iska hor-imaad ka dhacay duleedka Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Ciidamo ayaa isku rasaaseeyay meel ku dhow isgoyska Ex-kontarool Afgooye ee duleedka Muqdisho.

Askarta is-xabadeysay ayaa lagu waramayaan in ay ka kala tirsanaayeen Taliska Asluubta iyo kuwa ammaanka ee halkaas ka akdhowaa.

Ma cadda sababta keentay iska hor-imaadka oo ilaa iyo haatan aanan la hubin hadii ay jiraan waxyeelo ka dhashay.

Xaaladda meesha ay haatan wax ka dhaceen ayaa ah mid degan, waxaana lagu waramayaa in la kala qaadey askarta.

Inta badan dhacdooyinka noocaan ah ayaa waxaa laga soo wariyaa Muqdisho iyo qaar kamid ah goboladda waddanka.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this