Sign in to follow this  
Deeq A.

Almaas Elman oo lagu dhex-toogtay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Almaas Elman ayaa waxaa lagu dhex-dilay xeradda Xalane ee magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho.

Ma cadda qaabka uu u dhacay dilkeeda, balse saraakiisha xeradda ayaa ka gaabsaday in ay tafaasiil dheeri ah bixiyaan.

Marxuumadda ayaa la dhalatay Ilwaad oo ka tirsan Qaramadda Midoobay isla markaana ah madaxa Elman Peace.

Qoyska Elman Cali Axmed ayaa caan ka ah gudaha Soomaaliya, waxaana ay Almaas ay ka tirsaneyd safaaradda Soomaaliya ee Kenya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this