Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaal Dhexmaray Ciidamo Ka wada Tirsan Dowladda Federaalka ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Ku dhowaad hal saac waxaa Ex-control ka socday  dagaal u dhexeeya ciidanka asluubta iyo kuwa ilaalo u ah shirkadda dhiseysa laamiga xiriiriya Muqdisho iyo Afgooye.

Dadka deegaanka ayaa Goobjoog News u sheegay in xabado maqlayaan isla markaana ay cabsi dareemayaan iyaga oo qaarkood qarka u saaran iney naftooda la baxsadaan.

Dagaalkaas dhacay ayaa sababay in ganacsiyadii oo furan laga kala cararo, waxaana sidoo kale laga cabsi qabaa inuu sii fido.

Isku socodkii dadka iyo gaadiidka ayaa gabi ahaanba istaagay waxaana sabab u ah dagaalka u dhexeeya Ciidanka Asluubta iyo kuwa ilaalada u ah shirkadda laamiga dhisaysa.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this