Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisul Wasaare Khayre oo kormeeray qaar kamid ah Wasaaradaha dowladda

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre, ayaa Maanta kormeeray xarumaha Wasaradda Warfaafinta, Haweenka , Kalluumeysiga, ganacsiga, Beeraha iyo xanaanada Xoolaha.

Kormeerka ayaa qayb ka ah hawlaha lagula soconayo hannaanka hir-gelinta qorshayaasha hor-tebinta leh ee wasaaradaha xukuumadda iyo hay’adaha kale ee Dowladda ay ku leeyihiin tubaha Qaranka iyo sare u qaadidda isla xisaabtanka, hufnaanta iyo daah-furnaanta sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Khayre.

Ra’iisul Wasaaraha oo Wasaaradaha uu kormeeray ugu tagey howl-wadeenno ku jira shaqooyinka dowladda, ayaa ka xog wareystay xaaladda shaqo,Wuxuuna Ra’iisul wasaaruhu ku dhiirri geliyay howl-wadeennada Qaranka in ay laba jibbaaraan shaqooyinka ay ku gudanayaan waajibaadka ka saaran horumarinta iyo soo celinta Nidaamka dowladnimo ee dalka.

PUNTLAND POST

The post Ra’iisul Wasaare Khayre oo kormeeray qaar kamid ah Wasaaradaha dowladda appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this