Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah Faahin: Ciidanka DFS Oo Howlgal Ka Sameeyey Dhuusamareeb

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa habeenkii xalay ahaa waxay howlgal amniga lagu xaqiijinayo ka sameeyeen magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug.

Howlgalka ayaa ahaa mid lagu baarayey gaadiidka, sidoo kalena looga fiiqayey bacaha madow oo horey magaaladaasi looga mamnuucay.

Waxaa la arkayey ciidanka Booliiska oo gaadiidka leh miraayadaha madow ula baxaya meel gees ah, kadibna ka fiiqaya bacaha.

Saraakiisha ammaanka Dhuusamareeb weli howlgalkaasi faah faahin kama aanay bixin, hase ahaatee wuxuu qeyb ka yahay howlgallada lagu sugayo amniga ee ka socda deegaannada Galmudug.

Dhowaan ayaa magaalada Dhuusamareeb waxaa laga mamnuucay in lagu dhexsito hubka sharci darrada ah iyo sidoo kale in gaadiidka lagu arko bacaha madow.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this