Sign in to follow this  
Deeq A.

Shabeellahada Hoose: Sarkaal sare oo ka tirsan Al-shabaab oo lagu dilay hawlgal qorshaysan

Recommended Posts

Deeq A.   

Howlgal culus oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay degaanka Kuunya Barrow ee gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa lagu dilay sarkaal sare oo ka tirsanaa Al-shabaab, Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka  SONNA.

Bartilmaameedka howlgalkaasi oo ay sida wadajirka ah  u fuliyeen ciidanka dowladda Federaalka iyo kuwa Mareykanka ayaa ahaa, saraakiil iyo xubno kale oo ka tirsan Alshabaab,kuwaasi oo ku dhuumalaysanayey  degaannada howdka ah ee gobolka Shabeellaha Hoose .

War-qoraal ah oo laga soo saaray howlgalkaasi oo ahaa mid qorsheysnaa, ayaa lagu sheegay in aanay jiriin waxyeelo soo gaartay dadka shacabka ah,mudadii uu socday howlgalkaasi,balse khasaare lagu gaarsiiyay malayshiyaadka  Alshabaab.

 “Waxaa lagu khaarijiyay howlgalkaasi horjooge ka tirsanaa koxda Alshabaab,tani ayaa hoos u dhigaysa awoodii argagixisada,iyo weeraradii ay ka soo maleegayeen deegaanka Kuunya Barrow iyo nawaaxigiisa,waxaana xaqiijinaynaa in aanay jirin waxyeelo soo gaartay dadka rayidka ah” sidaasi waxa yiri saraakiil ciidan oo ay soo xigatay SONNA.

Saraakiisha  ayaa sidoo kale ballan-qaaday  in ay sii wadi doonaan howlgalada,ilaa waddanka looga saaro Alshabaab,si dalka loogu soo celiyo  nabad iyo xasilooni waarta.

PUNTLAND POST

The post Shabeellahada Hoose: Sarkaal sare oo ka tirsan Al-shabaab oo lagu dilay hawlgal qorshaysan appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this