Sign in to follow this  
Deeq A.

Madasha oo shaacisay ajendeyaal ka duwan kuwa ay sheegtay Villa Somalia oo looga hadlayo kulanka madaxda

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa lagu wadaa in goor dhow ay magaalada Muqdisho ku kulmaan madaxweyne Farmaajo iyo madaxweynayaashii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud.

Hase yeeshee Villa Somalia iyo Madasha Xisbiyada Qaran ayaa siyaabo kala duwan u kala dhigay ajendaha shirka, ayada oo ay muuqato in midba sida uu jecel yahay uu dhigaya ajendaha shirka.

Agaasimaha warfaafinta Villa Somalia Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa sheegay in shirka looga hadlayo sidii dalka ay uga dhici lahayd doorasho qof iyo cod ah, wuxuuna qoraal uu soo dhigay facebook ku yiri:-

“Kulanka maanta ay yeelanayaan Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweyneyaashii hore Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Mudane Xasan Sheekh ajandihiisa ugu muhiimsan waa arrimaha doorashooyinka 2020 iyo sidii ay Xukuumadda ugala shaqeyn lahaayeen in hannaan doorasho oo hufan oo qof iyo cod ah ay dalka ka dhacdo, awooddana dib loogu celiyo shacabka Soomaaliyeed si ay u doortaan madax iyo xildhibaanno iyaga si toos ah wakiil uga ah.”

Hase yeeshee xildhibaan Axmed Macallin Fiqi oo ka tirsan Madasha, oo la ogyahay inay kasoo horjeedaan doorasho qof iyo cod ah, ayaa sheegay in aysan ka mid ah ajendaha, wuxuuna facebook kusoo qorat shan qodob oo ooga hadlayo shirka, kuwaas oo kala ah:-

  1. Dastuurka iyo shuruucda dalka In ay saldhig u noqdaan habdhaqanka iyo hawlaha dawladda, ayna tahay in la ilaaliyo, oo aan dalka loo horseeedin fowdo iyo nidaam kalitalis ah.
  2. Doorashooyinka iyo arrimaha ku geydaaman oo mugdi badan ku jiro In umadda loo caddeeyo, dalkana ay ka dhacdo doorasho daahfuran oo dastuurka dalka waafaqsan.
  3. Khilaafka dawlad goboleedyada iyo dawladda dhexe In xal degdeg loo helo, si doorashooyinka dalku ay waqtigooda ugu qabsoomaan.
  4. Gobolka Banaadir iyo dadkiisu In ay xuquuq u yeeshaan In ay maamulkooda soo doortaan, isla markaana hadda laga dulqaado ciriiriga iyo dhagxaanta cuuryaamiyey ganacsiga iyo dhaqaalaha dadka.
  5. In laga garaabo gaboodfalladii lagula kacey madaxdii hore ee dalka ee shuruucda dalka hareernarsanaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this