Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliban Oo Sii Daysay Maxaabiis Reer Galbeed Ah Oo Ay Qafaalatay Sanadkii 2016

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Afghanistan)-Kooxda Taliban ayaa sii deysay la haystayaal reer galbeed ah oo muddo dheer ay heysteen, iyagoo fulinaya heshiis ku aaddan maxaabiis is-weydaarsi, waxana dhankooda ay filayaan in loo soo daayo seddex ka mid ah saraakiishooda sar sare.

1ABFB467-9D1F-4349-A7A5-DDE52A11F24F_w10

Ilo wareedyo ku dhow kooxdaasi ayaa sheegey in dadka ay sii deysay Taliban ay kala yihiin Kevin King oo Mareykan ah iyo Timothy Weeks oo Australian ah, kuwaas oo xurriyaddooda loogu soo celiyay gobolka koonfurta ku yaalla ee Zabul.

King iyo Weeks oo labaduba ah macallimiin wax ka dhiga jaamacadda American University ee Kabul ayaa la qafaashay bishii August ee sanadkii 2016, xilli ay ku sugnaayeen bannaanka xarunta jaamacadda.

Sii deynta labadaasi xubnood ayaa timid saacado un ka dib markii saddex sarkaal oo Talibaan ka tirsan loo duuliyay dalka Qatar, arrintaasi oo qeyb ka ah heshiis maxaabiis is dhaafsi ah.

Seddexda sarkaal ee loo duuliyay Qatar ayaa waxay kala yihiin Anas Xaqani, Haji Mali Khan iyo Xafiz Rashid, kuwaas oo dowladda Afghanistan ay soo xidhay sannadkii 2014.

Madaxweynaha Afghanistan Ashraf Ghani ayaa ku dhawaaqay toddobaadkii la soo dhaafay qorshaha maxaabiis is dhaafsiga, si ay arrintaasi u fududeyso wada hadallo toos ah oo lala yeesho kooxda Taliban.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this