Sign in to follow this  
Deeq A.

Masar oo bogaadisay heshiiska Soomaaliya iyo Kenya

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Dalka Masar, Abdel fattah El-Sisi, ayaa soo dhoweeyay heshiiskii Diplomaasiyadeed ee ay dhowaan Magaalada Nairobi ku kala saxiixdeen Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dhiggiisa Kenya, Uhuru Kenyatta.

Qoraal uu Madaxweyne El-Sisi, soo dhigay barta uu ku leeyahay Twetter-ka ayuu ku sheegay in uu muhiim yahay heshiiskaas, isla markaana uu Gobolka u horseedayo xasilooni, iskaashi iyo horumar.

“Waxaan muujinayaa in aan aad ugu faraxsanahay heshiiska ay Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya wada saxiixeen, kaas oo laysugu soo dhoweynayo xiriirkii iyo iskaashigii ka dhexeeyay labada Dowladood”ayuu yiri, Abdel Fattah El-Sisi.

Madaxweyne, El-Sisi, ayaa sheegay in Dowladdiisu ay garab taagan sidii loo xoojin lahaa xiriirka ka dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this