Deeq A. Posted November 19, 2019 Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal xoogan oo maanta ka dhacay deegaanka Buulo-Mareer oo ka tirsan degmada Kuntuwaarey ee gobolka Sh/Hoose. Dagaalka ayaa yimid, kadib markii dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar loo adeegsadaybam gacmeed ku qaadeen saldhig ay ciidamada Milatariga ku leeyihiin halkaasi, waxaana xigay dagaal toos ah oo dhex-maray labada dhinac. Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi iyo weerarka ka horreeyey oo la’isku adeegsaday hubka noocyadaasi. Ugu yaraan labo askari ayaa ku dhintay dagaalka, halka ay ku dhaawacmeen saddex qof oo kale oo ahaa rayid, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen ilo deegaanka ah. Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca saraakiisha ciidamada dowladda iyo maamulka gobolka oo ku aadan dagaalkaasi. Xaaladda ayaa hadda ah mid degan, waxaana goobihii lagu dagaaalamay ku sugan ciidanka Milatariga Soomaaliya oo dhaq dhaqaaqyo cusub ka bilaabay halkaasi. Al-Shabaab oo weli ku xoogan Shabeelaha Hoose ayaa inta badan weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku qaada ciidamada huwanta ee ku sugan gobolkaasi. View the full article Share this post Link to post Share on other sites