Sign in to follow this  
Deeq A.

Booliska S/land oo 2 xarun kala wareegay xisbiga Wadani

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidanka Booliska ee Somaliland ayaa maanta si xoog ah kula wareegay xarumaha xisbiga Wadani ee magaalooyinka Berbera iyo Ceerigaabo ee maamulkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in sidoo kale la xir xiray xubno ka tirsan hoggaanka xisbigaasi, taas oo sare u sii qaaday xiisada ka taagan deegaanada Somaliland.

Xariga lagula kacay xubnahan ayaa waxaa ka soo horjeestay taageerayaasha Wadani ee ku sugan Ceerigaabno, kuwaas oo  dibadbax ka dhigay magaaladaasi.

Dhinaca kale guddoomiyaha xisbiga UCID, Feysal Cali Waraabe oo warbaahinta kula hadlay Hargeysa ayaa sheegay inay waa waan ka dhex bilaabeen xukuumadda iyo hoggaanka xisbiga Waddani ee uu hoggaamiyo, Mudane Cabdiraxmaan Cirro.

Feysal Cali Waraabe ayaa tilmaamay in dhowaan ay soo afjari doonaan xiisada taagan, si looga hortago rabshadaha haatan ka socda deegaanada Somaliland.

Labadii maalin ee la soo dhaafay xiisada maamulka gooni isu taaga ah ee Somaliland ayaa aheyd mid kacsan, taas oo ka dhalatay dibadbax uu dhowaan ku baaqay guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ee maamulkaasi,CabdiraxmaanCirro.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this