Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Shir wadatashi ah oo lagu soo xiray Garoowe

Recommended Posts

Deeq A.   

Shirka ka tashiga hindise sharciyadeedka shirkadaha Dalka oo u dhaxeeya Guddiga maaliyadda iyo dhaqaalaha Golaha Aqalka sare iyo maamul Goboleedyada Soomaaliya ayaa Xalay lagu soo gaba-gabeeyay Magaalada Garoowe.

Shirka ayaa waxaa ka qeyb galay Guddiga maaliyadda iyo dhaqaalaha Golaha Aqalka sare Wasaaradda ganacsiga iyo Wershadaha Soomaaliya, Wasiiradda iyo qaar ka mid ah Xil-dhibaannada maamul Goboleedyada.

Ujeeddada kulanka ayaa ahaa dhageysiga talooyinka maamul GoboleedyadaxXubnaha ka ah  Dowladda Federaalka Soomaliya ee ku aaddan hidise sharciyadeedka shirkadaha, kaas oo horyaalla Golaha Aqalka sare ee Dalka.

Gaba-gabada Shirka Wada-tashiga ee u dhaxeeyay maamul Goboleedyada Dalka, Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya, Guddiga maaliyadda iyo dhaqaalaha Golaha Aqalka sare ayaa kusoo dhamaaday jawi wanaagsan.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:

33 22 11 4

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this