Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo Haweeney ay ka soo afduubatay KENYA ku heysato Koonfur Galbeed

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Warbaahinta gudaha ee Talyaaniga ayaa shaacisay xog la xariirta Silvia Romano oo u dhalatay dalkaasi, taas oo sanadkii hore kooxda Al-Shabaab ay ka soo afduubatay gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

Silvia oo 24 jir ah, islamarkaana ka shaqeyneysay arrimaha Bani’aadanimada ayaa warbaahintu warisay in loo soo wareejiyey dhinaca koonfurta Soomaaliya, gaar ahaan maamulka Koonfur Galbeed, halkaas oo ay ku hayaan xooggaga Al-Shabaab.

Sidoo kale waxa ay warbaahinta maxaliga ah sheegtay in haweeneydaasi oo muddo gacanka ugu jirta Al-Shabaab sabab amni looga soo weeciyey gobolka Jubbada Hoose.

Dowladda Talyaaniga oo markale ka hadashay afduubka haweeneydan ayaa tilmaamtay inay ku dadaali doono sidii ay u soo furan laheyd, waxaana ay ka dalbatay dowladaha saaxibada la ah ee ku xoogan Geeska Afrika inay taageero ku siiyaan tallaabadaasi.

Sidoo kale waxa ay dowladdu beenisay inay bixin doonto lacag madax furasho ah oo la siiyo Al-Shabaab, basle waxa ay sheegtay inay qaadi doonto howlgal Milatari.

Talyaaniga ayaa ka mid ah dalalka ka qeyb qaata dagaalka Al-Shabaab, waxaana ciidamo kooban ay ka joogaan Soomaaliya, gaar ahaan Muqdisho, inkastoo aysan ciidamadaasi ka howlgalin deegaanada Koonfur Galbeed oo la sheegay in lagu hayo haweeneydaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this