Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Shiinaha Oo Fariin Adag U Dirtay Mareykanka Iyo Ingiriiska

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-China)-Dowladda Shiinaha ayaa digniin adag u jeedisay wadamada Mareykanka iyo Ingariiska oo ay ku eedeysay in faragalin ay ku hayaan siyaasada Hong Kong oo ay ka jirto xasarad dhanka Siyaasada bilihii la soo Dhaafay.

1574110002ca1ab.jpg

Safiirka Shiinaha u matalada UK, Liu Xiaoming oo shir Jaraa’id ku qabtay magaalada London ayaa tilmaamay in Shiinaha uusan aqbali doonin faragalinta wadamadan ay ku hayaan arimaha siyaasada shiinaha gaar ahaan maamulka Hong Kong.

Mr Liu ayaa intaa ku daray in wadamada reer galbeedka qaar ay si cad u taageerayaan rabshadaha ka jira Hong Kong ayna tahay wax aysan u dulqaadan doonin xukuumada Beijing.

Tan iyo bishii June ayaa dibadbaxyo xoogan waxaa dhigayay shacabka iyadoo ay ku eedeeyeen maamulka Hong Kong siyaasad ahaan uu hoos tago dowlada Shiinaha.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this