Sign in to follow this  
Deeq A.

Turkiga Oo Ka Codsaday Jarmalka In Uu U Soo Gacan Galiyo Hoggaamiyaha Kooxda YPG

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Ankara)-Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Mevlut Cavusoglu ayaa ugu baaqay dowladda Jarmalka inay u soo gacan galiso hoggaamiyaha maleeshiyada Kurdida ee la magac baxday SDF oo ka dagaalanta dalka Suuriya.

1574106573ce591.jpg

Arintaan ayaa timid toddobaadyo kadib markii millatariga Turkiga uu duulaan ku qaaday gobolka Idlib ee dhaca waqooyiga Suuriya si ay uga sifeyso maleeshiyada Kooxdaan.

Waxaan si deg deg ah uga codsaneynaa in Jarmalka in uu soo masaafuriyo hogaamiyaha YPG Farxat Cabdi Saahin oo loo yaqaan Mazloum Kobani Abdi.

Mr Cavusoglu ayaa hadalkaan ka sheegay kadib kulan looga hadlayay dhanka Miisaaniyada oo baarlamaanka Turkiga ku yeesheen Isniintii shalay magaalada Ankara.

Baaqaan ayaa ku soo aadaya iyadoo warbaahinta Turkiga ay heshay warar sheegaya in hogaamiyaha SDF uu u safri doono wadamada Mareykanka iyo Jarmalka.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this