Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka Oo Xayiraad Dhanka Socdaalka Ah Ku Soo Rogay Mas’uul Ka Tirsan Dowlada Kenya

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Nairobi)-Mareykanka ayaa dalkiisa ka mamnuucay mudane ka tirsan golaha aqalka sare ee Kenya u matala ismaamulka Busia oo lagu magacaabo Amow Wako oo lagu eedeeyay musuq maasuq iyo wax isdabamarin intii uu hayay Talada.

157410405431e28.jpg

Warsaxaafadeed ka soo baxay xoghayaha arimaha dibada Mareykanka Mike Pompeo isniintii shalay lagu xaqiijiyay in mr Wako lagu soo rogay xanibaad dhanka Safarka.

Arintaan ayaa dhanka kale saameyn doonta xaaska mas’uulkan Kenyan ka ah oo lagu magacaabo Flora Ngaira iyo wiilkeeda Julius.

Amos Wako, ayaa lagu helay in uu galay danbiyo xadid ah intii uu ahaa xeer ilaaliyaha guud ee wadanka Kenya.

Ugu danbeyn Mareykanka ayaa balanqaaday in dowladda Kenya uu ka taageeri doono dagaalka lagula jiro musuq maasuqa iyo wax Isdabamarinta.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this