Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Mareykanka oo bedashay mawqifkeedii & siyaasaddeedii bariga dhexe,Maxay soo kordhisay!

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Mareykanka oo bedashay siyaasaddeedii bariga dhexe,Maxay soo kordhisay!

 

pompeonews.jpg

Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday in ay gebi.ahaanba baddeshay siyaasaddeedii bariga dhexe ee ay ugu aqoonsaneyd dhul ay Israel xoog uga haysatay Falastiin mid sharci-darro ah ay iminka sharci u aqoonsatay.

Wasiirka arrimaha dibedda Mareykanka Mike Pompeo oo ayaa shay oo Isniin aheyd shaaca ka qaaday in dowladda Mareykanka maanta laga bilaabo ay u aqoonsantahay dhulkkii ay xoogga ku haysatay mid sharci ah oo aan ka horimaaneyd xuquuqda aadanaha.

Muddo 40 sano ah ayay adduunku oo uu Mareykanku ku jiro u aqoonsanaayeen dhulka ay Israel xoogga ku qabsatay ee dhanka Westbank ee ay deegaanada ka sameysatay mid sharci-darro ah.

Tallaabadan ayaa waxaa ay kusoo aadeysaa xilli isla xukuumaddan Donald Trump ee talada Mareykanka haysa ay sannad guduhiis u yaboohday dhul ay Falastiintu leeyihiin kaas oo ay magaalada Jerusalem ugu aqoonsatay caasimadda Israel.

Waxaa kaloo xukuumadda Trump ay u aqoonsatay Israel dhulka buurala Golan height ee ay xoogga uga qabsatay Suuriya.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this