Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliyihii Sirdoonka Mudug-puntland oo la dilay

Recommended Posts

Deeq A.   

 Taliyihii Sirdoonka Mudug-puntland oo la dilay

 

Xaashi.jpg?w=1000&ssl=1

Wararka ka imaanaya waqooyiga magaalada Gaalkacayo ayaa sheegaya in halkaasi fiidnimadii caawa lagu dilay sarkaal ka tirsanaa Nabad-Sugidda Puntland.

Gaashaanle Sare Xaashi Aadan Cilmi oo ahaa Taliyihii Nabad-sugida iyo Sirdoonka gobolka Mudug ee dowladda Puntland ayaa lagu dilay xaafadda Suuq Barwaaqo ee waqooyiga Gaalkacyo.

Goob-joogayaal ku sugan gudaha magaalada Gaalkacyo ayaa laga soo xigtay in dilka Taliyaha ay fuliyeen laba nin oo bistoolado ku hubaysan, kuwaasi oo goobta isaga cararay.

Malayshiyaadka Al-shabaab ayaa qoraal ay ku faafiyeen warbaahinta taageerta waxay ku sheegteen mas’uuliyadda dilka loo gaystay Taliyihii Nabad-sugida iyo Sirdoonka gobolka Mudug ee dowladda Puntland Gaashaanle Sare Xaashi Aadan.

 

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this