Deeq A. Posted November 19, 2019 Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya toogasho ay xalay ciidamada amnigu ay ku dileen nin ku hubeysnaa Bistoolad oo ku sugnaa degmada Hodan ee gobolka Banaadir. Ciidamada Booliska ee ka howlgala xaafadda Seybiyaano ayaa ka shakiyey ruuxaasi oo dhalinyaro ahaa, waxaana ay ku amreen inuu istaago, balse uu isku dayay inuu ka baxsado, taas oo sababtay in la dhaawaco Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in ninkaasi isagoo dhaawac ah uu dhexgal gaari rakaab ah oo ay uga daba tageen ciidamada, kadibna ay ku dileen halkaasi. Ma jiro weli war faah faahsan oo saraakiisha laamaha ammaanka Soomaaliya ay ka bixiyeen dhacdadaasi. Dhowaan ayey aheyd markii degmooyinka Wadajir iyo Dayniile laga soo qabtay rag hubeysan oo weerar iyo toogasho ka kala geystay degmooyinkaasi. View the full article Share this post Link to post Share on other sites