Deeq A. Posted November 19, 2019 Ciidamada ammaanka ee dowladda ayaa saaka howlgallo ka wada gudaha degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose. Howlgallada ayaa yimid, kadib markii xalay magaaladaasi lagu dilay Nabadoon ka mid ahaa Ergadii wax ka soo xushay baarlamaanka Soomaaliya. Saraakiisha hoggaamineysa baaritaanadan ayaa sheegay inay ku raadjoogaan raggii ka dambeeyey dilkaasi. Muddooyinkii dambe ayaa waxaa sii xumaanayey ammaanka degmada Afgooye oo laaba weeraro iyo dilal ay ka geystaan dagaalyahannada Al-Shabaab. View the full article Share this post Link to post Share on other sites