Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada ammaanka oo howlgallo ka wada Afgooye

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada ammaanka ee dowladda ayaa saaka howlgallo ka wada gudaha degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Howlgallada ayaa yimid, kadib markii xalay magaaladaasi lagu dilay Nabadoon ka mid ahaa Ergadii wax ka soo xushay baarlamaanka Soomaaliya.

Saraakiisha hoggaamineysa baaritaanadan ayaa sheegay inay ku raadjoogaan raggii ka dambeeyey dilkaasi.

Muddooyinkii dambe ayaa waxaa sii xumaanayey ammaanka degmada Afgooye oo laaba weeraro iyo dilal ay ka geystaan dagaalyahannada Al-Shabaab.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this