Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Imisa lacag ah ayaa lagu ururiyey SOCDAALKA marwada koowaad ee USA?

Recommended Posts

Deeq A.   

Seattle (Caasimada Online) – Marwada Koowaad ee Dalka Marwo Seynab Cabdi Macallin ayaa Olole loogu gurmanayey dadka ay saameyeen fatahaaddu ee ay ku abaabulaysay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Maraykanka waxa ay gaarsiisay magaalada Seattle Washington ee waddanka Maraykanka.

Marwada dalka oo hadal ka jeedisay kulan ballaaran oo Jaaliyaddu ay soo qaban qaabiyeen oo ku saabsan howlaha gurmadka ayaa uga warbixisay dadaalada gurmadka ah ee ka socda gudaha wadanka ee ay iska kaashanayaan hey’adaha dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

“Soomaalidu waa dad dun fiican, deeqsina ah, diinteenna suubban ayaana noo tilmaameysa in xaqa iyo samafalka loo tartamo iyo in dan-yarta loo naxariisto. Midnimo aan muujinno markii culeys nagu dhaco, waxaan rajeynayaa in aan uruurinno dhaqaale wax tari kara dadka fatahaaddu saameysay”.

Marwo Seynab ayaa dul tilmaamtay doorka muhiimka ah ee ay tahay in Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Maraykanka ay ka qaataan u gurmadka walaalahood.

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Seattle ayaa soo ururiyey lacag dhan $137,749 (boqol soddon iyo toddobo kun, toddobo boqol afartan iyo sagaal doolar) iyadoo horey ay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Columbus ay soo ururiyeen lacag gaareysa $137,000 (boqol soddon iyo toddobo kun oo doolar)

Marwo Saynab Cabdi Macalin ayaa maalmaha soo socda gaari doonto haddii, Alle idmo, magaalooyinka kale ee Mareynka si ay olalahan u gaarsiiso Jaaliyadaha Soomaaliyeed oo door muhiim ah ku leh howlaha samata bixinta dadkeenna dhibaataysan.

78534676_1131739163697061_59407144793889 78491368_1131739190363725_13961286834873 78041059_1131739337030377_11618104419370 74998833_1131739387030372_18899093740176 74598542_1131739450363699_14614099873633 78125430_1131739487030362_19328518829721 76974940_1131739563697021_46492712858246 76958200_1131739693697008_73079434102733 77291367_1131739733697004_19142356736451 Abuukar-Baalle.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this