Deeq A. Posted November 18, 2019 Gaalkacyo (SMN) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacayo ayaa sheegaya in halkaasi caawa fiidkii lagu dilay sarkaal sare oo ka tirsan nabad-sugidda. Warar aanu ka helnay ilo kala duwan ayaa sheegaya in la dilay Gaashaanle Sare Xaashi Aadan Cilmi oo ahaa taliyihii nabad-sugida iyo sirdoonka gobolka Mudug ee maamulka Puntland. Si gaar ah dilka wuxuu uga dhacay Xaafad lagu magacaabo Suuq Barwaaqo. Taliyihii Nabad-sugidda Gobalka Mudug, Col Xaashi Aada Cilmi ayaa kooxo ku hubaysan bastoolado waxa ay Ku dileen dhanka Waqooyi ee Gaalkacyo. Taliyaha ayaa lagu dilay Gurigiisa meel aan ka fogayn ka hor salaaddi maqrib. Gobjogayaal ayaa xaqiijiyay in kooxihii dilka gaystay ay baxsadeen. Xarakadda Al-Shabaab ayaa warar ay ku faafisay baraheeda internet-ka ku sheegatay mas’uuliyadda falkaan dilka ah. View the full article Share this post Link to post Share on other sites