Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland: Taliyihii Nabad-sugidda iyo Sirdoonka gobolka Mudug oo la dilay

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka ka imaanaya waqooyiga magaalada Gaalkacayo ayaa sheegaya in halkaasi  fiidnimadii caawa lagu dilay sarkaal ka tirsanaa Nabad-Sugidda Puntland.

Gaashaanle Sare Xaashi Aadan Cilmi oo ahaa Taliyihii  ah Nabad-sugida iyo Sirdoonka gobolka Mudug ee dowladda Puntland ayaa lagu dilay xaafadda Suuq Barwaaqo ee waqooyiga Gaalkacyo.

Goob-joogayaal ku sugan gudaha magaalada Gaalkacyo ayaa laga soo xigtay in dilka Taliyahay ay fuliyeen laba nin oo bistoolado ku hubaysan kuwaasi oo goobta isaga cararay.

Malayshiyaadka Al-shabaab ayaa qoraal ay ku faafiyeen warbaahinta taageertay waxay ku sheegteen mas’uuliyadda dilka loo gaystay Taliyihii  ah Nabad-sugida iyo Sirdoonka gobolka Mudug ee dowladda Puntland Gaashaanle Sare Xaashi Aadan.

PUNTLAND POST

The post Puntland: Taliyihii Nabad-sugidda iyo Sirdoonka gobolka Mudug oo la dilay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this