Deeq A. Posted November 18, 2019 Gaalkacyo (Caasimada Online) – Magaalada Gaalkacayo ee gobolka Mudug waxaa caawa lagu dilay Taliyihii Nabad Sugidda gobolka Mudug. Koox bistooladu ku hubeysam ayaa caawa waqooyiga magaalada Gaalkacyo ku weerartay Gaashaanle Sare Xaashi Aadan Cilmi oo ahaa taliyihii nabad-sugida iyo sirdoonka gobolka Mudug ee maamulka Puntland. Dilka taliyaha ayaa si gaar ah uga dhacay Xaafadda Suuq Barwaaqo ee waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug. Kooxdii hubaysneed ee dilka u geysatay Taliyaha ayaa goobta is kaga baxsatay, waxaana mas’uuliyadda dilkaas durba sheegtay Ururka Al-Shabaab. Taliyaha ayaa xilliga la dilayay ku sugnaa meel aan sidaas uga fogayn guriga uu ka deganaa waqooyiga magaalada Gaalkacyo. Goobjogayaal ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in xilliga la dilayay Marxuumka uu isku diyaarinayay inuu aado masaajid u dhawaa, maadaama la isku diyaarinayay salaadda Makhrib oo xilligaas la gelayay. Caasimada@live.com Share this post Link to post Share on other sites