Sign in to follow this  
Deeq A.

Mid ka mid ah ergadii soo xulay xildhibaanada oo lagu dilay degmada Afgooye

Recommended Posts

Deeq A.   

Afgooye (Caasimada Online) – Dabley hubeysan ayaa caawa degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose ku dishay mid ka mid ah Ergadii soo dooratay xildhibaanada baarlamaanka federaalka ee lagu soo doortay magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Bay.

Marxuumka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Cali Maxamed Dhuun, waxuuna u geeriyooday rasaas ay la dhaceen koox dhalinyaro ah oo ku hubeysnaa bistoolado salaadii makhrib kadib.

Dableyda dilka u geysatay marxuumka oo tiradooda lagu sheegay laba ruux ayaa goobta is kaga baxsatay, sida ay noo sheegeen dad goobjoogayaal ahaa xilliga uu dilku dhacayay.

Ciidamada ammaanka degmada Afgooye ayaa caawa xaafadaha kala duwan ee magaalada ka wada baaritaano ay ku doonayaan inay gacanta ku soo dhigaan dableydii dilkaas geysatay.

Wali ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda dilka marxuumkaas ka tirsanaa ergadii soo dooratay xildhibaanada baarlamaanka federaalka ee deegaan doorashadoodu tahay deegaanada uu ka arrimiyo maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Al-Shabaab ayaa horay dhowr jeer degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose ugu dilay xubno u badnaa odayaal dhaqan oo ka mid ahaa ergadii soo dooratay xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya.

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this