Deeq A. Posted November 18, 2019 Wararka ka imaanaya degmada Diinsoor ee gobolka Baay ayaa ku warramaya in maanta halkaasi uu ka dhacay dagaa u dhexeeyey Ciidamadamaamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, kuwa Itoobiya oo isku dhinac ah iyo ciidamo uu watay gudoomiyihii hore ee degmadaasi, Cabdullaahi Ibraahim nuur Shik-Shigow. Dagaalka oo ahaa mid Culus ayaa la sheegay inuu ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Illo dadka deegaanka ayaa shabelle u xaqiijiyay in dagaalkaasi ay ku dhinteen ku dhawaad 10 qof oo isugu jira dhinacyadii dagaalamay iyo dad shacab ah. Sidoo kale waxa iska hor imaadka oo muddo socday ku dhaawacmay dad gaaray illaa afar qof. Xaaladda ayaa hadda degan, waxaana degmada gacanta ku haya ciidamada Koonfur Galbeed iyo kuwa dowladda Itoobiya View the full article Share this post Link to post Share on other sites