Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo sheegatay dil ka dhacay Kismaayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada dil xalay Kismaayo loogu geystay mas’uul ka tirsanaa maamulka magaaladaasi.

Marxuumka la dilay ayaa waxaa Al-Shabaab magaciisa ay ku sheegtay, Axmed Buula Ibrahim, kaas oo ahaa gudoomiyaha xaafadda Via Afmadow ee degmada Kismaayo.

Sidoo kale warka ka soo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in raggii ka dambeeyey dilkaasi ay goobta isaga baxasadeen.

Dhinaca kale ciidamada ammanka Jubbaland ayaa howlgallo lagu baadi goobayo kooxihii ka dambeeyey falkan ka sameeyeu halkaasi, inkastoo aysan cidna gacanta ku soo dhigin.

Dilkan ayaa qeyb ka noqonaya falal amaan dari oo maalmihii la soo dhaafay ka dhacayey gudaha magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this