Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaal ka qarxay Diinsoor, kadib weerar lagu qaaday guddoomiyihii degmadaasi

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhabo (Caasimada Online) – Faah faahinno kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaal xoogan goor dhow ka qarxay gudaha degmada Diinsoor ee gobolka Baay.

Dagaalka oo ah mid culus ayaa yimid, kadib markii ciidamada daraawiishta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed iyo kuwa Itoobiya ay weerareen hoyga guddoomiyihii xilka laga qaaday ee magaaladaasi, Mudane Ibraahim Maxamed Nuur (Shik-Shigow).

Wararka ayaa sheegaya inay iska caabin sameynayaan ciidamo daacad u ah guddoomiyaha oo ka horyimid xil ka qaadista lagu sameeyey.

Lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalka oo weli ka socda qeybo ka mid ah degmada Diinsoor ee gobolka Baay.

Xiisadan ayaa sameyn xoogan ku yeelatay dhaq dhaqaaq guud ee magaaladaasi, iyadoo ay xirmeen goobaha waxbarashada, caafimaadka iyo ganacsiga degmadaasi.

Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka gobolka iyo kan Koonfur Galbeed Soomaaliya oo ku aadan dagaalkaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhabo
caasimada@live.com 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this