Sign in to follow this  
Deeq A.

Raysal Wasaaraha Soomaaliya Oo La Kulmay Amiirka Dalka Qatar

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Muqdisho)-Raysal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa magaalada Doxa kulan kula qaatay Amiirka Qatar, Tamim bin Hamad Al Than.

kulan-696x362.jpg

Kulanka dhex maray Raysal Wasaare Xasan Cali Kheyre iyo Amiir Tamim bin Hamad Al Than ayaa looga hadlay xoojinta xidhiidhka iyo iskaashiga laba geesoodka ah labada dowladood iyo labada shacab.

Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar ayaa leh xidhiidh soo jireen ah oo qota dheer iyo iskaashi ganacsi, amni iyo dhaqaale, waxaana dowladda Qatar ay Soomaaliya ka fulisaa mashaariic horumarineed oo lagaga qayb qaadanayo dib u soo kabashada dalka.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this