Sign in to follow this  
Deeq A.

XF oo Adeegyo bulsho ka hirgalineyso Awdheegle

Recommended Posts

Deeq A.   

Maxamed Siciid Cabdullaahi wasiir ku xigeenka caafimaadka Soomaaliya ayaa sheegay in xukuumadda federaalka ay wado qorshe adeegyo bulusho oo ay ugu horreeyaan kuwa caafimaad ay uga fulineyso degmada Awdheegle ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Wasiir ku xigeenka oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in dhibaatooyin xoogan ay wajahayaan shacabka degmadaasi oo u baahaan adeegyada aas aasiga ah ee nolosha.

Awdheegle ayaa ka mid ah deegaanadii ugu dambeeyey ee lagala wareegay dagaalyahannada Xarakada Al-Shabaab.

Halkan hoose ka dhageyso Codka.

https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/wa.mp3

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this