Sign in to follow this  
Deeq A.

Kooxda Melbourne Oo Sanaadkii Afaraad Dalka Imaanaysa

Recommended Posts

Deeq A.   

Kooxda Jaaliya Soomaaliyeed ee Melboune ayaa sanadkii afaraad dalka u imaanaya ciyaaraha saaxiibtinimo iyo is dhaxgal bulsho,iyagoo sanadkii lasoo dhaafay 2018 booqashooyin ku maray Gobolka Banaadir,Jubaland iyo Koonfur Galbeed waxaana socdaalka kooxdan sanad walib suga dhallinyarada.

Melbourne.00_14_33_03.Still006-1024x576.
Guddoomiyaha Xariirka Soomaaliyeed ee Kubbadda cagta Cabdiqani Saciid Carab ayaa bogaadiyay maamulka kooxda Melbourne sida ay sanad waliba u joogtinteenayaan imaatinkooda Soomaaliya,wuxuuna intaa ku daray in Xariirka Kubbadda Cagta uu u baahanyahay qibradooda xaga ciyaaraha.

070A0270-1024x683-1024x683.jpg

Kaliya sanadihii lasoo dhaafay u imaanin ciyaaro saaxiibtinimo oo qura waxaa la socday koox taqaatiir ah oo in dhafiiqis u sameeyay kumaan bukaano ah oo ku kala noolaa magaalooyinka Muqdisho,Kismaayo iyo Baydhabo dadkii la sameeyay howlaha caafimaadka sanadii 2018 ayaa u mahad celiyay kooxda jaaliyada Soomaaliyeed ee Melbourne,balse maamulka iyo dhallinyarada fuliyay howlahii caafimaadka ayaa sheegaya in ay sii wadi doonaan howlahan oo muhiim u ah dadka da’yarta ee ku nool Soomaaliya.

48243124_2122814171108938_17720731237309

Dhallinyarada iyo bahda ciyaaraha ayaa ku jira qaban qaabada iyo soo dhaweynta kooxda Melbourne,iyagoo kaga mahad celiyay hal buurkooda wanaagsan ee is dhaxgalka bulshada iyo caawinta dadka danyarta waxayna qurbajoogta kale ka dalbadeen in ay yimaadaan dalkooda.

Melbourne.00_06_16_22.Still004-1024x576.

Guddoomiyaha kooxda Melbourne DR.Xuseen Xarakow ayaa sheegaya in ay diyaar u yihiin in sanad walib ay yimaadeena Soomaaliya wuxuuna Goobjoog Sports u sheegay hadii ay iska kaashaan bulshada gudaha iyo kuwa qurbajoogta dalka uu gaari doono meel aad wanaagsan.

23737712_1968263910097014_16681051283995

Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Imaatinka Iyo Socdaalka Kooxda Melbourne Ee Soomaaliya

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this