Deeq A. Posted November 18, 2019 Taliska ciidanka Nabad sugidda ee dowlad goboleedka Jubbaland ayaa soo bandhigay sarkaal sare oo ka tirsanaa Xarakada Al-shabaab, kaasi oo isku soo dhiibay taliskan. Ninkan lasoo bandhigay ayaa magaciisa waxaa lagu sheegay Rayaan Shiikh Nuuur, wuxuuna Al-shabaab u qaabilsanaa dhanka gaadiidka ee gobolka Jubbada Hoose. Saraakiil ka tirsan Nabad sugidda Jubbaland ayaa sheegay in shaqsigan uu xiriir lasoo sameeyey dhankooda, sidaasina ay ku qaabileen. Ma jirto faah faahin intaan ka badan oo nabad sugidda Jubbaland ka bixiyeen sarkaalkan kasoo baxsaday dhanka Al-shabaab. Ururka Al-shabaab weli dhankooda wax war ah oo ku aaddan shaqsigan kasoo goostay lagama hayo, hase ahaatee marar badan Kismaayo waxaa iska dhiibay xuno Al-shabaab ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites