Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Rasaas sababtay khasaare oo ka dhacday Hargeysa iyo rabshada ka socda

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa (Caasimada Online ) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland ayaa sheegaya inay sii xoogeysatay xiisada ka taagan magaaladaasi.

Rabashado u dhexeeya taageerayaasha xisbiga Wadani iyo ciidamada ammaanka ayaa ka socda afaafka hore ee xarunta weyn ee xisbigaasi, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen dd ku sugan halkaasi.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Wadani, Cabdiraxmaan Cirro uu gaaray xarunta xisbiga oo la soo dhoobay ciidamo Boolis ah, kadibna uu xoog ku galay xaruntaasi, taas oo sababtay in rasaas ay furaan ciidamada.

Ugu yaraan hal qof oo shacab ahaa ayaa ku dhaawacmay rasaasta, sida ay innoo xaqiijiyeen dadka aan la hadalnay.

Xaaladda ayaa hadda kacsan, waxaana laga cabsi qabaa in dibadbaxyo ay ka dhacaan Hargeysa, kuwaas oo uu shalay iclaamiyey guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Wadani.

Arrinta ayaa ka sii dartay, kadib markii xalay ciidamada Booliska maamulka Somaliland ay xir xireen xubno ka tirsanaa xisbigaasi oo si weyn uga soo horjeeda xukuumadda Madaxweynaha maamulkaasi, Mudane Muuse Biixi Cabdi.

FB_IMG_1574056809652.jpg Awdheegle.jpg FB_IMG_1574056802169.jpg FB_IMG_1574056806000.jpg

 

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this