Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda IRAN Oo Lagu Eedeeyay Xiisadda U Dhaxeysa Falastiin Iyo Israa’iil

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Washington)-Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Mike Pompeo ayaa ku eedeeyay dowladda Iiraan in ay ka dambeyso dhibaatooyinka ka taagan magaalada Gaza.

1574009671a0a56.jpg

Qoraal uu ku soo qoray boggiisa uu ku leeyahay Twitter-ka ayuu Pompeo, ku eedeeyay xukuumada Tehraan in dagaalyahanada Islaamic Jihaad ay u adeegsaneyso xasaradaha gobolka iyo weeraro ka dhan ah Israa’iil.

Iiraan ma rabto nabad ka dhacda gobolka bariga dhexe ma rabaan nabada iyo hormarka Falastiin.

Mr Pompeo ayaa dhanka kale sheegay in Mareykanka uu wadi doono ka hadalka iyo digniinta Iiraan ah in ay halis ku tahay amniga.

Xoghayaha arrimaha dibadda ayaa hadalkiisa ku soo koobay in Washington ay wadi doonto cadaadiska Iiraan illaa inta ay ka aqbaleyso in miiska wadahadalka.

Bishii May ee sannadkii hore ee 2018-ka ayaa madaxweyne Trump uu ka baxay heshiiskii wadamada quwadaha ay la galeen Iiraan sannadkii 2015-Kii.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this