Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii ugu dambeeyay khasaaraha DAGAAL ka dhacay duleedka Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Khasaaraha dhimashada & midka dhaawaca ee ka dhashay dagaal Ciidamada Shabaab ay ku qaadeen Ciidamo ku sugan deegaanka Calamada iyo Lafoole ee wadada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii Ciidamada Shabaab dagaal saf ballaaran ay ku qaadeen ciidamada fariisinka ku leh Calamada iyo Lafoole, xilli halkaasi uu ka socdo dhismaha wadada laamiga ah.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Booliska dowladda Federalka Soomaaliya ayaa sheegay dagaalkaasi in lagu dilay Saddex Askari oo ka tirsan Ciidamada Daraawiishta Booliska oo Saldhigooda uu yahay deegaanka Lafoole.

Saraakiisha waxa ay sheegeen markii xabada ay ka bilaabatay deegaanka Calamada iyagana inay ku bilaabatay xabad, islamarkaana si adag isaga difaaceen Shabaabkii weerarka soo qaaday, ayna ka dileen laba ruux.

Dagaalka ka dhacay deegaanka Calamada lama oga khasaaraha dhimashada iyo midka dhaawaca ee ka dhashay, balse Shabaabkii weerarka soo qaaday ayaa u baxsaday dhanka goofafka.

Ciidamo ka baxay deegaanka Ceelasha biyaha ayaa mar dambe oo dagaalkii uu istaagay waxa ay gurmad ahaan u tageen deegaanka Calamada, xilli Shabaabkii weerarka soo qaaday ay goobtaasi ka tageen.

Dhismaha wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye ayaa mareysa inta u dhaxeysa deeganada Calamada iyo Lafoole, halkaasi oo ay joogaan Ciidamada Haramcad loo yaqaan ee Booliska ka tirsan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this