Deeq A. Posted November 17, 2019 Dagaalyahannada Al-Shabaab ayaa lagu soo warramayaa in maanta ay gaareen deegaanka Gacan-Maroodi oo hoostaga gobolka Sanaag. Wararka ayaa sheegaya in dagaalyahanadan oo hubeysan ay gudah u galeen deegaankaasi, islamarkaana ay ka bilaabeen dhaq dhaqaaqyo cusub. Ilo deegaanka ayaa Shabelle u sheegay in xaaladda ay kacsantahay, islamarkaana laga cabsi qabo in dagaal uu ka qarxo halkaasi. Deegaanka Gacan-Maroodi ayaa waxaa horay ugu sugnaa maleeshiyaad deegaanka ah, iyagoona isaga baxay halkaasi. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in dagaalyahannada Al-Shabaab ee la wareegay deegaanka ay ka yimaadeen dhanka buuraleyda ee gobolka Sanaag. Al-Shabaab ayaa u muuqda hadda inay isku fidinayaan deegaano hor leh oo ka tirsan gobollada waqooyiga ee dalka, kadib markii muddooyinkii la soo dhaafay si aad loo xoojiyey howlgallada ka socda koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. View the full article Share this post Link to post Share on other sites