Sign in to follow this  
Deeq A.

Kuwait oo ku baaqday in la ilaaliyo Qaranimada Somalia

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Kuwait ayaa mar kale  ku baaqday in la ixtiraamo madaxbanaanida iyo xornimada siyaasadeed ee  Soomaaliya, kadib  kulan ay qayb ka ahayd oo golaha Ammaanku ka yeeshay xaaladda Soomaaliya kaasi oo ka dhacay magaalada New-York.

La taliye Nawaf Al-Ahmed oo ka mid ah ergada joogtada ah ee dowladda Kuwait u fadhida Qaramada midoobay mar uu ka hadlayay shalay kulanka ayaa ku baaqay in la dardargaliyo taageerada siyaasadeed iyo midda dhaqaale ee dowladda Soomaaliya, si dib loogu dhiso hay’adaha dowladda loona xaqiijiyo Amniga iyo xasiloonida dalka .

Ergayga dowladda Kuwait ayaa dhanka kale bogaadiyay dadaallada wax ku oolka ah ee ay wado dowladda, si dalka loogu diyaariyo Qabsoomidda doorashooyin sanadka 2020-2021.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this