Deeq A. Posted November 17, 2019 Wararka aynu ka helayno Gedo ayaa sheegaya in maanta Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan uu kulan gaar ah la qaatay qaar ka mid ah saraakiisha ciidanka maamulkaasi iyo kuwa AMISOM ee ku sugan degmada Ceelwaaq ee gobolkaaasi. Kulankan ayaa waxaa intiisa badan looga arrinsaday sida ay ciidamada huwanta u xaqiijin la haayeen amniga, islamarkaana ay gacanta ugu soo celi lahaayeen deegaanada ka maqan Jubbaland ee ku yaalla gobolka Gedo Madaxwyne ku xigeenka Jubbaland ayaa si wadajir ah saraakiisha labada dhinac kula dar-daarmay inay iska kaashaadaan howlgallada Al-Shabaab looga saarayo gobolkaasi. Kulankan ayaa ku soo aadaya, iyadoo shalay ciidamada dowladda ay is hortaag ku sameeyeen Sayid Aadan oo doonayey inuu u gudbo qeybta ay ka maamulaan degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo, halkaas oo ay weli ka taagan tahay xiisad xoogan. Arrintan ayaa sii hurineysa xiisada DF iyo Jubbaland, taasoo ka dhalatay doorashadii dib loogu doortay Madaxweynaha maamulkaasi Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe). Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article Share this post Link to post Share on other sites