Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Sayid Aadan oo kulamo ka wada Ceelwaaq

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka aynu ka helayno Gedo ayaa sheegaya in maanta Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan uu kulan gaar ah la qaatay qaar ka mid ah saraakiisha ciidanka maamulkaasi iyo kuwa AMISOM ee ku sugan degmada Ceelwaaq ee gobolkaaasi.

Kulankan ayaa waxaa intiisa badan looga arrinsaday sida ay ciidamada huwanta u xaqiijin la haayeen amniga, islamarkaana ay gacanta ugu soo celi lahaayeen deegaanada ka maqan Jubbaland ee ku yaalla gobolka Gedo

Madaxwyne ku xigeenka Jubbaland ayaa si wadajir ah saraakiisha labada dhinac kula dar-daarmay inay iska kaashaadaan howlgallada Al-Shabaab looga saarayo gobolkaasi.

Kulankan ayaa ku soo aadaya, iyadoo shalay ciidamada dowladda ay is hortaag ku sameeyeen Sayid Aadan oo doonayey inuu u gudbo qeybta ay ka maamulaan degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo, halkaas oo ay weli ka taagan tahay xiisad xoogan.

Arrintan ayaa sii hurineysa xiisada DF iyo Jubbaland, taasoo ka dhalatay doorashadii dib loogu doortay Madaxweynaha maamulkaasi Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:

Sayid 2-58 Sayid Aadan

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this