Sign in to follow this  
Deeq A.

Xiisad xoogan oo ka taagan degmada Diinsoor

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka naga soo soo gaaraya gobolka Baay ayaa sheegaya in maanta xiisad kacsanaan ah laga dareemayo gudaha degmada Diinsoor ee gobolka Baay.

Xiisada oo ah mid xoogan ayaa ka dhalatay  xilka qaadis lagu saameeyey guddooyihii degmadaasi, Ibraahim Maxamed  Nuur |(Shig-Shigow).

Guddoomiyaha ayaa ka horyimid xilka qaadistaasi, isagoona diiday inuu xilka ku wareejiyo guddoomiyahay cusub ee degmadaasi C/naasir Siidow Maxamed.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya inay maanta isku dhaceen ciidanka dowlada goboleedka  Koonfur Galbeed Soomaaliye iyo kuwa kale oo daacad u ah guddoomiyihii hore ee degmada Diinsoor, islamarkaana ay ku dhaawacmeen labo qof oo shacab ah.

Xaaladda ayaa haatan kacsan, waxaana gabi ahaan xirmay dhaq dhaqaaqii guud ee magaaladaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this