Deeq A. Posted November 17, 2019 Taliye ku xigeenka ciidamada Booliska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Cismaan Maxamed Cabdullaahi (Kaniif) oo malamahan socdaal ku jooga deegaanaada dowlad goboleedka Galmudug ayaa maanta xaflad soo dhoweyn ah loogu sameeyey gudaha saldhigga Booliska magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud. Taliyaha ciidanka Booliska magaaladaasi, Cabdullaahi Macalin Xasan ayaa taliye Kaniif ku soo dhoweey halkaasi, ugana mahadceliyey booqashadiisa. Dhankiisa Taliye ku xigeenka ciidanka Booliska oo madasha ka hadlay ayaa kula dardaarmay ciidamada amniga inay xoojiyaan nabad gelyada deegaanada Galmudug. Halkan hoose ka dhageyso Warbixinta. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/War-Xasan-wali-dhuusamareeb.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites