Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah Faahin: Weerar Ka Dhacay Duleedka Degmada Guriceel Ee Galgaduud

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar dheerad ah ayaa laga helayaa weerar sababay dhimasho iyo dhawac kaas oo ka dhacay deegaanka Balihowd ee duleedka degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Rag hubeysan ayaa rasaas waxa ay ku fureen dhallinyaro goob ku wada sugnaa, waxaana halkaasi ku dhintay Hal qof, mid kalena dhaawac ayaa soo gaaray, sida ay inoo sheegeen dadka deegaanka.

Maleeshiyaadkii falkasi ka dambeeyey ayaa la sheegay in goobta ay isaga baxsadeen, iyadoo arrintan lala xiriirinayo aano qabiil.

Arrintan weli wax war ah kama aanay soo saarin maamulka Balihowd iyo sidoo kale kan degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this