Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-shabaab ee qabsaday degaanka Gacan-maroodi ee gobolka Sanaag

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka ka imaanaya degaanka Gacan-Maroodi oo hoostaga degmada Yubbe ee gobolka Sanaag ayaa sheegaya in halkaasi ay qabsadeen dagaallamayaal ka tirsan malayshiyaadka Al-shabaab.

Malayshiyaadka oo tiradooda lagu qiyaasay ilaa 70 dagaalllame ayaa sida la sheegayo ka soo degay buuraleyda Calmadow ee gobolkaasi Sanaag waxaana ay gacanta ku dhigeen degaanka istiraatiijiga ee Gacan-Maroodi oo muhiim u ah isku xirka gobolka.

Wararku waxay sheegayaan in dagaallamayaasha oo aad u hubaysan ay dhufaysyo ka samaysteen aga’gaarka waddo hawlbowle ah oo halkaasi ku taalla islamarkaana laga cabsi qabo in ay weerar ku qaadaan degmada Yubbe.

Maalmo ka hor malayshiyaad ka tirsan Al-shabaab ayaa weerar ku qaaday degaanka Af-Urur ee gobolka Bari halkaasi oo dagaal culus ku dhexmaray iyaga iyo ciidanka difaaca Puntland haddana Al-shabaab ayaa dib looga riixay degaankaasi.

Degmada Yubbe oo qiyaastii 50 km dhanka bari ka xigta magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag waxaa hadda gacanta ku haya ciidamada Somaliland inkastoo ciidamada Puntland ay dhinaca bari ka fadhiyaan.

Faahfaahinta kala soco Puntland Post

The post Al-shabaab ee qabsaday degaanka Gacan-maroodi ee gobolka Sanaag appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this