Sign in to follow this  
Deeq A.

Axmed Madoobe oo hal mid uga digay madaxda Jubaland

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo xalay kulan gaar ah la qaatay agaasimeyaasha wasaaradaha maamulkaasi ayaa uga digay inay ku dhex milmaan siyaasadda dalka.

Axmed Madoobe ayaa agaasimeyaasha u sheegay in shaqadoodu aysan ahayn siyaasad, kaliyana looga baahan yahay inay adeegyada maamulka gaarsiiyaan shacabka.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa warbixino ka dhageystay agaasimeyaasha, isagoo ku dhiiri galiyey shaqada ballaaran ee ay u hayaan bulshada reer Jubbaland.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa intaasi ku daray inay muhiim tahay in la xoojiyo wada shaqeynta wasaaradaha kala duwan ee maamulkaasi, si loo helo iskaashi buuxa oo u dhexeeya dhammaan mas’uuliyiinta dowlad goboleedka Jubbaland.

Ugu dambeyn wuxuu carabka ku dhuftay in wax badan laga qaban doono dhibaatooyinka hadda ka jira maamulkaasi, gaar ahaan dagaalka Al-Shabaab.

Digniinta Axmed Madoobe ayaa ku soo aadeysa, iyadoo uu weli taagan yahay khilaafka u dhexeeya maamul Jubbaland iyo dowladda federaalka Soomaaliya, kaas oo ka dhashay doorashadii ka dhacday magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka jubbada Hoose.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
caasimada@live.com 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this