Sign in to follow this  
Deeq A.

Magacyada mas’uuliyiin ka tirsanaa maamulka Gedo oo isku dhiibay Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Garbahaarey (Caasimada Online) – Al-Shabaab oo weli dagaal xoogan ka wada gudaha Soomaaliya ayaa baahisay magacyada xubno ka tirsanaa maamulka gobolka Gedo ee dowlad goboleedka Jubbaland oo ay sheegtay inay isku soo dhiibeen kooxdaasi.

Mas’uuliyiinta isku dhiibay Al-Shabaab ayaa dhammaantood waxa ay ka mid ahaayeen maamulka degmada Beledxaawo ee gobolkaasi.

Sida ay baahisay warbaahinta Al-Shabaab raggaasi ayaa gaaraya illaa afar xubnood oo guddoomiye waaxeedyo iyo ku xigeenno ka ahaa maamulka maamulkaasi.

Magacyada ka aqriso hoose:

Xuseen Jibriil Ibraahim wuxuu ahaa guddoomiye ku xigeenka xafaadda 8-aad ee Beledxaawo

Xuseen Sahal Aadan wuxuu ahaa guddoomiye ku xigeenka xaafadda 7-aad ee Beledxaawo

Cabdiweli Iftiin Barroow wuxuu ahaa guddoomiyaha Xaafadda 7-aad ee magaalada Beledxaawo

Maxamed khaliif xasan guddoomiyaha xaafadda 8-aad ee magaalada Beled Xaawo.

Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka degmada iyo kan gobolka Gedo oo ku aadan xubnahaasi la sheegay inay isku dhibeen Al-Shabaab.

Kooxda Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro ka fuliso gobolka Gedo oo ay weli ku xoogan tahay, mana muuqdo qorshe looga saarayo guud ahaan gobolkaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Garbahaarey
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this