Sign in to follow this  
Deeq A.

Cabdiqaasim Salaad Xasan oo shaaciyey sida uu arko hadalkii SHEEKH SHARIIF

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdiqaasin Salaad Xasan mar uu la hadlayay Idaacadda Kulmiye ayaa waxa uu ka hadlay sida uu arko hadalkii Sheekh Shariif uu ku sheegay in dowladda laga saarayo Xamar.

Cabdiqaasin Salaad ayaa sheegay in hadalkii ka soo yeeray Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheikh Axmed uu ahaa mid laga haboonaa.

“Hadalkaas ma qumana Madaxweyne horena inuu sidaas u hadlo ma haboona, hadii qalad dowladdu gasho waxuu dalku leeyahay baarlamaan iyo gole sare oo aan beel gaar ah lagu sheegi karin, iyaga ayaana laga rabaa inay la xisaabtamaan dowladda, mana fiicnayn in madaxweyne hore uu dowladda u dhaarto oo uu yiraahdo saasbaan yeelayaa mana haboona in lagu hadlo wax dalka oo dhan dhibaato u keeni kara” ayuu yiri Madaxweyne Cabdiqaasin.

Mar uu ka hadlay in dalka ay doorasho ka dhici karto waqtiga loo asteeyay ayuu sheegay inuu aad ugu rajo weynyahay inay dalka doorasho ka dhici karto.

“Madaxdii horay u soo maamushay dalka aadbay u dadaaleen haatana dadaal ayaa ii muuqda, doorasho inay dalka ka dhacdana waa lagama maarmaan waana qabaa inay dhici doonto, arinta doorashada labada gole ee baarlamaanka dalka ayey u taalaa”ayuu yiri Cabdiqaasin

Mar wax laga weydiiyay in Xukuumaddu ay baarlamaankii gacanta ku dhigtay sidoo kalena ay caburinayso, ayuu Cabdiqaasin ku jawaabay, “Xukuumaddi ayaa baarlamaankii dalka gacanta ku dhigtay hadal quman maaha, boqolaal qof oo Soomaali ah oo umadda u shaqeya oo Kitaab gacanta u galiyay ayaa qolo gaar ah u shaqeyneysa wax la sheego iyo wax la qaadan karo midna maaha, iyaga ayeyna u taalaa oo u dhaartay inay dalkooda iyo dadkooda u shaqeynayaa”.

Cabdiqaasin Salaad mar uu ka hadlay dagaalka ay ciidamada dowladdu kula jiraan Al-Shabaab ayaa waxa uu yiri, “Had iyo jeer waxaan aragnaa ciidanka dowladda oo dagaal kula jira Shabaab, waxayna Al-Shabaab faa’iido ugu jirtaa inay Ilaahey ka baqaan ay iska daayaan dadka ay baabi’inayaan iyo waxa ay qarxinayaan, dhow goor ayaan fariinteyda u diray Shabaab xaqdaro ayey dadka ku leynayaan, hadda waxaan leeyahay qofkii qof dila isagoo xaqdarro ku dilaya waxa uu la mid yahay isaga oo dadka dhan dilay, ha akhristeen Qur’aanka”.

Ugu dambeyntii madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdiqaasin Salaad Xasan ayaa sheegay in mar walba uu usoo duceeyo  dalka iyo dadka Soomaaliyeed, isagoo kula dardaarmay inay is cafiyaan oo tafaraaruqa iska daayaan gacmahana is qabsadaan.

Caasimada Online
Xaafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this