Sign in to follow this  
Deeq A.

Urur kasoo horjeeda Islaamka oo kitaabo quraana ku gubay magaalada Kristiansand ee dalka Norway

Recommended Posts

Deeq A.   

Urur kasoo horjeeda Islaamka oo kitaabo quraana ku gubay magaalada Kristiansand ee dalka Norway

SIAN.jpg

Dibadbax uu soo abaabulay ururka “Stop Islamisation of Norway” ee loo soo gaabiyay SIAN islamarkaana kasoo horjeeda in Islaamku ku faafo dalka Norway kaas oo maanta ka dhacay barxadda Øvre Torv ee magaalo-xeebeedka Kristiansand ee dalka Norway ayay waxa ay ku gubeen kitaabo qur`aan ah.

Kooxdan oo maalmahanba abaabuleysay dibedbaxan ayaa waxa ay horay u sheegeen in ay goobta ku gubi doonaan kitaabka qur`aanka, arrinkaas oo uu boolsiku uga digay in ay ku dhaqaaqaan.

Kooxdan oo dhagaha ka fureysatay digniinta booliska ayaa waxaa ay goobta ku gubeen sida ay ballanqaadeen kitaabo qur`aan ah oo uu boolisku la tacaalay in uu damiyo.

” – Mar haddii dhagaha laga fureystay digniinteenni aheyd in aan wax dab ah goobta la keeni karin, waxaa waajibkayagu yahay in aan la xisaabtanno ururka SIAN ee dibedbaxaan soo abaabulay”, ayuu yiri madaxa booliska Agder politidistrikt, Mr. Sjustøl.

Dhacdada dabka kadib, booliska ayaa soo gunaanadau dibedbaxa.

Uurukan Islaamka naceb ee loo soo gaabiyay SIAN ayaa waxaa looga dhawaaqay dalka Norway sannadkii 2008-dii, balse waxa ay wararku sheegayaan in abaabulkiisu uu socday ilaa iyo sanadka 2000.

SIAN1.jpg

 

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this