Deeq A. Posted November 16, 2019 Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Cabdi Xasan Xijaar ayaa maanta sameeyey magacaabis cusub, kadib wareegto ka soo baxday xafiiskiisa. Xijaar ayaa magacaabay taliyeyaasha cidamada Akadeemiyada, saldhigga garoonka diyaaradaha Aadan Cadde iyo Laanta Miina Baarista. Hoos ka Akhrio Magacyada. 1- Gaashaanle Sare Cabdikariin xuseen Mcalin TaliyahaAkadeemiyada Gen.kaahiye 2- Gaashaanle Cabdifitaax Bashiir Cali Taliyaha Saldhigga Airpor-ka 3- Gaashaanle Asad Cabddalla Saciid Taliyaha Laanta Miina Baarista. Sidoo kale taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa faray xubnaha la magacaabay in ay si wanaagsan u gutaan waajibaadka shaqo ee loo ogmaday. Tan iyo markii la magacaabay Taliye Xijaar ayaa waxa uu isbedal ballaaran ku waday taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed. View the full article Share this post Link to post Share on other sites